Lionel Messi Oo Qarka U Saaran Rikoodh Taariikhi Ah Ka Hor Tartanka Spanish Super Cup-ka.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa qarka u saaran rikoodh taariikhi ah marka uu kooxdiisa kala qayb galo tartanka Spanish Super Cup-ka bilaaban doona Arbacada.

Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona kula guulaystay 36 kulan xirfadiisa ciyaareed isaga oo kaliya hal koob ka dambeeya in uu la bar-bareeyo saaxiibadiisii hore ee Maxwell Iyo Andres Iniesta kuwaas oo ku guulaystay min 37 koob kuna jira kaalinta 2-aad ee xidigaha ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta halka uu kaalinta 1-aad ku jiro xiddiga Dani Alves.

Messi ayaa ilaa haatan ku guulaystay 10 koob oo horyaalka La Liga ah, 8 koob oo Spanish Super Cup ah, 6 Copa del Rey-ga ah, 4 champions Leageu ah, 3 UEFA Super Cup ah iyo 3 Club World Cup ah.

Hadii uu Lionel Messi ku guulaysto koobka Spanish Super Cup-ka xilli ciyaareedkan waxa uu la bar-barayn doonaa xiddigaha Maxwell iyo Iniesta isaga oo ku guulaysan doona 37 koob.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*