Lionel Messi Oo Qarka U Saaran In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Barcelona & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Qalinka Ku Duugayo Oo La Ogaaday.

Shabkada ESPN ayaa shaaca ka qaaday war ka farxiyay taageerayaasha Kooxda Barcelona kuna saabsan weeraryahanka kooxda ee Lionel Messi kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga.

Heshiiska Lionel Messi ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo uuna xiddigu ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin kooxda Barcelona.

Laakiin Shabakada Caalamiga ah ayaa sheegaysa in ay kooxda Barcelona ku dhawdahay in ay heshiis cusub ka saxiixato kabtankeeda sida ay xaqiijisay.

Isla shabakada ayaa sheegayasa in uu Lionel Messi sii joogi doono kooxda Barcelona waliba qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono.

Lionel Messi ayaa qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo 2 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*