Lionel Messi Oo Qaaday Talaabo Uu Neymar Ugu Qancinayo In Uu Ku Soo Laabto PSG, Muxuu Sameeyaa?

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu si joogto ah ula xiriiro weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar si uu ugu qanciyo in uu ku soo laabto Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa 4 xilli ciyaareed Messi kaga garab ciyaaray Barcelona iyaga oo wakhtigaas ku wada guulaystay 10 koob oo kala duwan tartamada oo dhan.

Laakiin Neymar ayaa lacag rikoodh ah oo dhan 222 milyan euro uga tagay Barcelona 4 sano ka hor isaa oo ku biiray kooxda PSG laakiin waxa uu haatan ku jiraa 14-kiisii bilood ee ugu dambeeyay heshiiska PSG.

Neymar ayaa bilowgii xilli ciyaareedkan sheegay in uu jeclaan lahaa in uu mar kale garab ciyaaro Lionel Messi wargayska L’Equipe Ayaana sheegay in ay arintaas dhici karto wakhti dhaw.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Lionel Messi si joogto ah ula xidhiidho Neymar si uu ugu qanciyo in uu ku soo laabto kooxda barcelona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*