Lionel Messi Oo Qaaday Talaabo U Dhawaynaysa In Uu Heshiis Cusub Cusub U Saxiixo Barcelona.

Lionel Messi ayaa ogolaaday in la dhimo mushahar aad u fara badan si uu baaqi ugu sii ahaado Barcelona waxaana uu saxiixi doonaa heshiis shan sano ah maalmaha soo socda, sida ay wararku sheegayaan.

Messi ayaa ahaa xiddig xor ah tan ilaa markii uu dhacay heshiiskiisu 30 bishii June waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Man City iyo PSG xagaagii hore waxana la filayay in uu isaga tago kooxda.

Laakiin xiddiga ayaa haatan u muuqda mid sii joogi doona kooxda Barcelona isaga oo ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu kooxda ku joogi doono 5-ta sano ee soo socota.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Messi ogolaaday in uu 50% hoos u dhigo mushaharkiisa isaga oo qaadan doona lcag dhan 105 milyan oo euro 5-ta sano ee uu la joogo kooxda.

Lionel Messi ayaa kooxda sii joogi doona ilaa xagaaga 2026 isaga oo sii wadi doona hogaaminta kooxda uu kula guulaystay 4 La Liga iyo 4 champions League intii uu joogay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

1 Comment

  1. Oo ina adeer Messi ma 4 la Liga ayuu Ku guuleystay wayab tifaftire ma jiro miyaa Mise tifaftire ayaaba qaladku Ka dhacay Mise qofka qoray ayaa ciyaaraha daawan jirin oo Loga sheekeyay uun

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*