Lionel Messi Oo Mar Kale Ka Garab Ciyaari Kara Saaxiibkiisa Luis Suarez, Qaab Noocee Ah?

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Lionel Messi mar kale ka garab ciyaari karo saaxiibkiisa ugu dhaw ee Luis Suarez.

Suarez iyo Messi ayaa ah saaxiibo aad isugu dhaw iyaga oo wakhti badan ku wada qaatay kooxda Barcelona sanadihii la soo dhaafay.

Laakiin Suarez ayaa ka tagay kooxda Barcelona isaga oo ku biiray kooxda Atletico Madrid ee la xafiiltanta kooxda Barcelona.

Idaacada Radio Catalunya ayaa sheegaysa in ay labada xiddig mar kale iska garab ciyaari karaan mustaqbalka iyaga oo isku koox ku wada biiri kara.

Isla Idaacada ayaa sheegaysa in ay kooxda reer America ee Inter Miami tahay kooxda ay labada xiddig isaga garab ciyaari karaan mar kale mustaqbalka.

kooxda oo uu iska leeyahay halyeeyga reer England ee David Beckham ayaa doonaysa saxiixa laabda xiddig ka hor inta aan la gaadhin sanadka 2022.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*