Lionel Messi Oo Man City Ku Abuuraya Cabsi Hor Leh Ka Hor Kulanka Caawa, Sabab

Inkasta oo uu wali la qabsanayo horyaalka Ligue 1, Lionel Messi ayaa cabsi dareensiinaya kooxda Man City ka hor kulanka ay PSG caawa la ciyaari doonto Man City champions League.

Lionel Messi ayaa rikoodh baqsin ah ku leh kooxda Man City marka la eego kulamada uu ka hor tagay kooxda Man City kulamada tartamada yurub gaar ahaan champions League.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaaa 6 kulan ka hor tagay kooxda Man City waxana uu ka dhaliyay 6 gool waxana uu caawiye ka noqday 2 kale kulamadii uu ka hor tagay kooxda Man City.

Messi ayaa kulanka caawa soo gali doona isaga oo doonaya in uu rikoodhka cajiibka ah ee uu ku leeyahay Man City ku caawiyeo kooxdiisa PSG si ay u garaacdo kooxda Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*