Lionel Messi Oo Magacaabay Xiddigaha Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka Sanadkan.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa haatanba sii magacaabay xiddigaha uu codkiisa siin doono tartanka Abaalmarinta Ballon d’Or-ka ee sanadka 2021.

Majalada France Football ayaa qayb-qayb u soo saaraysa xiddigaha u tartami doona abaalmarinta Ballon d’Or-ka ee sanadkan iyada oo dhamaadka bisha December lagu dhawaaqi doono abaalmarinta.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay u tartamaan abaalmarinta iyada oo sidoo kale xiddiguhu codayn doonaan abaalmarinta xiddiga ay u arkaan in uu u qalmo abaalmarinta.

Xiddiga Lionel Messi ayaa haatanba sii magacaabay 3-da xiddig ee uu codkiisa siin doono una qalmo in codkiisa tartanka loogu jiro abaalmarinta sanadkan.

Messi oo la hadlaya Majalada france Football ayaa yidhi”Kooxdayda PSG waxa aan codkayga ka siin doonaa Neymar iyo Kylian Mbappe”.

“Kadib waxa aan codka siin doonaa Lewandowski, kaas o ku jira qaab ciyaareed cajiib ah sidoo kale Karim Benzema ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah”.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*