Lionel Messi Oo Magacaabay Kooxaha Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Lionel Messi ayaa la waydiiyay kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan waxana uu ka tagay kooxdiisii hore ee Barcelona.

Weeraryahanka Barcelona ayaa magacaabay dhamaan kooxaha uu aaminsanyahay in ay fursad u haystaan ku guulaysiga tartanka xilli ciyaareedkan.

“Cid walba waxa ay aaminsantahay in ay PSG ku guulaysan doonto champoons League, laakiin waxa jira kooxo kale”ayuu Messi u sheeay France Football.

“Waxa jira Chelsea, Manchester City, Manchester United, Real Madrid kuwaas oo mar walba si fiican u ciyaara, sidoo kale Bayern Munich iyo Inter, ayuu sii raaciyay.

Kooxdii hore ee Lionel Messi ayaa ku bilaabatay si xun xilli ciyaareedka champions Legaue iyaga oo guuldaro la kulmay labadii kulan ee ugu horeeyay tartanka ay ciyaartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*