Lionel Messi Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Uu Xavi Ka Dhigay La Liga, Muxuu Yahay?

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku sii dhawaanaya in uu jabiyo rikoodhkii Xavi Hernandes ee Caawinta horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka kaliya.

Xiddiga reer Argentine ayaa sameeyay 19 caawin xilli ciyaareedkan kadib markii uu laba gool caawiye ka noqday kulankii Villarrea ee ay Barcelona guusha ka gaadhay.

Sidaas darteed Lionel Messi ayaa ku dhaw in uu jabiyo rikoodhkii Xavi ee 20-ka caawin xilli ciyaareedka kaliya ee horyaalka La Liga.

Caawinta Messi ee 19-ka ah xilli ciyaareedkan ayaa ah midii ugu fiicnayd ee La Liga isaga oo dhaafay rikoodhkii 18-ka caawin ee uu dhigay xilli ciyaareedyadii 2010/11 & 2014/15.

Lionel Messi ayaa fursad u haysta in uu rikoodh cusub ka dhigo La Liga caawinta marka loo eego in ay 4 kulan u hadheen horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*