Lionel Messi Oo Kashifay Waxa Uu Horyaalka Ligue 1 Kaga Duwanyahay Horyaalka La Liga

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa markii ugu horaysay is bar-bar dhig ku sameeyay horyaalka La Liga oo uu horay uga soo ciyaaray iyo horyaalka Ligue 1 oo uu haatan ka uga ciyaara PSG.

Xiddiga Lionel Messi ayaa xagaagii ku soo biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Barcelona isaga oo qaab xor ah ugu biiray kooxda reer France.

Messi ayaa ku dhibaatoonaya in uu saamayn ku yeesho horyaalka Ligue isaga oo aan wali wax gool ah ka dhalin horyaalka inkasta oo lagu qiimeeyo horyalaada ugu fudud yurub.

Messi oo la hadlaya wargayska France Football ayaa yidhi”Horyaalka Ligue waa mid jidh ahaan ka xoogan La Liga”.

“Horyaalka Ligue, kooxaha ayaa awood badan, aniga ahaan kulamada waa kuwo lagu loolamo oo aan waliba firaaqo badan la helin”.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*