Lionel Messi Oo Ka Hadlay Guushii Uu Xulkiisu Ka Gaadhay Ecuador

Lionel Messi ayaa ku faraxsan in Argentina ay awood u yeelatay inay ka gudbto wax uu ku tilmaamay ciyaar adag, madaama ay 3-0 kaga badiyeen Ecuador si ay ugu gudbaan semi-finalka Copa America.

Inkasta oo uu xulkiisu ku badiyay 3/0 hadana Xiddiga No.10 ayaa sheegay in ay ciyaartu ahayd mid adag oo ayna goolasha ay dhaliyeen ka turjumayn kulanka.

Wuxuu ahaa kulan aad u adag, waan ogayn in aan wajahayno xul adag”ayuu Messi yidhi.

“Waxa uu ahaa dagaal ilaa aan helnay goolka koowaad, intaas ka dib, ciyaarta ayaa xoogaa furantahay laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ahayd in aan u gudubnay wareega xiga”.

“Waxaan kaliya ubaahanahay hal guul oo dheeri ah si aan u gaarno finalka waxaan rajeyneynaa inaan gaadhi karno”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*