Lionel Messi Oo Ka Hadlay Fursadihiisa Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka Sanadkan.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ka hadlay fursadihiisa ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan kadib markii majalada France Football so saartay 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta.

Xiddiga reer Argentine ayaa ku guulaystay abaalmarinta 6 jeer isaga oo ah xiddiga ugu badan ee ugu guulaysiga badan abaalmarinta taariikhda tartanka.

Messi ayaa yiri: “Ma dareemayo inaan ahay kan ugu cadcad ku guuleysiga Ballon d’Or sanadkan, mana jecli inaan ka hadlo … sababtoo ah ku guulaysiga abaalmarinta markii 7-aad waxay noqon doontaa wax aan la rumaysan karin”.

“Xagaagii, waxaan xulka Argentine kula guulaystay koob taas oo ahayd wixii iga maqnaa, hadii aan ku guulaysto Ballon d’Or, waan ku farxi doonaa, laakiin ma doonayo inaan ka fekero “.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*