
Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa ka falceliyay guusha uu Ousmane Dembele ka gaaray Ballon d’Or ee 2025, isagoo ku garaacay xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal.
Messi ayaa sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” guusha xiddiga xulka France, isla markaana uu hambalyo u diray Dembele.
Weeraryahanka Inter Miami iyo Dembele ayaa horey saaxiibo ugu ahaa kooxda Barcelona, halkaas oo ay waqti ku wada qaateen ciyaartoy ahaan.
Dembele ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay guuleystaha Ballon d’Or ee 2025, xaflad ka dhacday Théâtre du Châtelet ee magaalada Paris habeenkii Isniinta.
Xiddiga Faransiiska ayaa kaalinta koowaad galay, isagoo ka sare maray Lamine Yamal oo galay kaalinta labaad iyo Vitinha oo galay kaalinta saddexaad.
Kaddib guushiisa, Dembele wuxuu bartiisa Instagram ku baahiyay sawirro iyo qoraal uu kaga hadlay dareenkiisa, isagoo qoray:
“Farxad badan, hanweyn iyo dareen xooggan. Riyo rumoowday. Waad mahadsan tihiin dhammaan dadkii i garab istaagay safarkan. #ballondor”
Kabtankii hore ee saaxiibkiisa ahaa, Lionel Messi, ayaa faallo ugu reebay post-ka, isagoo yiri:
“Ous weynaa!!! Hambalyo, aad ayaan ugu faraxsanahay adiga dartaa. Waaad istaahishaa.” Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa ka falceliyay guusha uu Ousmane Dembele ka gaaray Ballon d’Or ee 2025, isagoo ku garaacay xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal.
Messi ayaa sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” guusha xiddiga xulka France, isla markaana uu hambalyo u diray Dembele.
Weeraryahanka Inter Miami iyo Dembele ayaa horey saaxiibo ugu ahaa kooxda Barcelona, halkaas oo ay waqti ku wada qaateen ciyaartoy ahaan.
Dembele ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay guuleystaha Ballon d’Or ee 2025, xaflad ka dhacday Théâtre du Châtelet ee magaalada Paris habeenkii Isniinta.
Xiddiga Faransiiska ayaa kaalinta koowaad galay, isagoo ka sare maray Lamine Yamal oo galay kaalinta labaad iyo Vitinha oo galay kaalinta saddexaad.
Kaddib guushiisa, Dembele wuxuu bartiisa Instagram ku baahiyay sawirro iyo qoraal uu kaga hadlay dareenkiisa, isagoo qoray:
“Farxad badan, hanweyn iyo dareen xooggan. Riyo rumoowday. Waad mahadsan tihiin dhammaan dadkii i garab istaagay safarkan. #ballondor”
Kabtankii hore ee saaxiibkiisa ahaa, Lionel Messi, ayaa faallo ugu reebay post-ka, isagoo yiri:
“Ous weynaa!!! Hambalyo, aad ayaan ugu faraxsanahay adiga dartaa. Waaad istaahishaa.”
Be the first to comment