Lionel Messi Oo Jabiyay Rikoodh Kale Oo Uu Cristiano Ronaldo Dhigay

Xiddiga kooxda PSG iyo xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi ayaa wali sii wada jabinta rikoodhada Xiddiga ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa guul ku hogaamiya xulkiisa kulan ay la ciyaareen xulka Jamaica kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xulka ee koobka adduunka.

Messi ayaa xulkiisa u dhaliyay gool cajiib ah oo laad xor ah uu ka dhaliyay waxana uu goolkaas ku dhaafay xiddiga ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Goolkaas ladka xorta ah ayaa ah goolkii 59-aad ee uu Lionel Messi dhaliyay waxana uu dhaafay Cristiano Ronaldo oo ay bar-baro ahaayeen isla markaas dhaliyeen min 58 gool oo laad xor ah.

Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkan jabiyay rikoodho badan oo Cristiano Ronaldo dhigay waxana ugu dambeeyay laadkii xorta ahaa ee uu dhaliyay kulankii xalay.