Lionel Messi Oo Iska Diidi Kara Kooxaha PSG & Man City Si Uu U Sii Joogo Barcelona & Pedri Oo Sabab U Noqon Kara.

Xiddiga kabtanka u ah kooxda Barcelona ee Lioenl Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansan karo in uu sii joogo kooxda Sabab la xidhiidha xiddiga Pedri sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Argentine ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagii isaga oo waliba warqada bixitaanka u gudbiyay.

Messi oo 33 jir ah ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona xilli heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in horumarka uu sameeyay xiddiga Pedri ee kooxda xagaagii ku soo biiray in uu ku qancin karo in uu sii joogo kooxda.

Inkasta oo saxiixyada Barcelona ee sanadihii ugu dambeeyay si weyn u fashilmeen waxa ay u muuqataa in ay dahab ka heleen xiddiga Pedri.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Si Waali Ah U Ixtiraamaan, Miyaad Ka Mid Tahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*