Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodhkii Xavi Ee Barcelona.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa qarka u saaran in uu ba-bareeyo rikoodhkii Xavi Hernandez ee ciyaarista kulamada ugu badan ugu badan ee kooxda Barcelona ee Tartamada oo dhan hadii uu ciyaaro kulanka Huesca ee horyaalka La Liga.

Messi ayaa safan doona kulankiisii 767-aad ee kooxdiisa Barcelona tartamada oo dhan waxana uu la bar-baro noqon doonaa Halyeeyga Barcelona ee Xavi hadii uu ku bilowdo kulanka Huesca ee Horyaalka ee caawa.

Kadib Lionel Messi ayaa noqon doona xiddiga ugu safashada badan taariikhda kooxda hadii uu Lionel Messi Axada ku bilowdo kulanka Real Sociedad ee horyaalka La Liga.

Rikoodhka kulamada ugu badan ee uu u ciyaaray Barcelona ayaa ah rikoodhada yar ee uuna Lionel Messi wali ka dhigin kooxda Barcelona oo uu ku soo biiray xagaagii 2000 waliba kulankiisii ugu horeeyay u saftay 2004.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*