Lionel Messi Oo Isha Ku Haya In Uu Ku Sii Dhawaado Rikoodh Xavi U Yaala

Kooxda Barceona ayaa guul ka gaadhay kooxda Huesca todobaadkii hore kulan ka tirsanaa todobaadkii 17-aad ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa maanta marti galin doonta kooxda Granada kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad.

Kulankii Axadii hore ayuu xiddiga Lionel Messi ku soo laabtay shaxda kadib markii uu ka maqnaa kulankii ka horeeyay kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac.

Lionel Messi ayaa isha ku haya rikoodh cajiib ah hadii uu ciyaaro kulanka ay Barceona la ciyaari doonto kooxda Granada ee Maanta.

Messi ayaa kulankii Huesca ciyaaray kulankiisii 750-aad ee kooxda Barcelona waana xiddiga 2-aad ee ugu ciyaarista Barcelona taariikhda Barcelona.

Lionel Messi ayaa ku sii dhawaan doona rikoodhka Xavi kaas oo ah 767 kulan isaga oo haatan u jira kaliya 18 kulan in uu rikoodhkaas jabiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*