Lionel Messi Oo Isha Ku Haya In Uu Ka Boxo Rikoodh Xun Oo Uu Ku Leeyahay Real Madrid Tan Ilaa Markii Uu Cristaino Ronaldo Ka Tagay Los Blancos.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel messi ayaa dhaliyay 23 gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana uu si aad a u doonayaa in uu sii dheereeyo goolashiisa marka uu Sabtida ka hor tagi doono Real Madrid kulanka El Clasico.

Xiddia reer Argentine ayaan wax gool ah ka dhalin Real Madrid kulankii lugtii hore ee xilli ciyaareedkan sidoo kale wax caawin ah ma samayn kulankii hore ee uu ka hor tagay Los Blancos horyaalka.

Sidoo kale waxa intaas sii dheer in uuna Lionel Messi wax gool ah ka dhalin ama wax caawin ah samayn 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay Real Madrid tan ilaa markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay Real Madrid.

Xaqiiqada ayaa ah in goolkii uu dambeeyay ee uu Lionel Messi ka dhaliyay Real Madrid in uu ahaa kulankii 36-aad ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkii 2017/2018 kulan ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah kana dhacay garoonka Camp Nou.

Marka loo eego in uu kooxda Real Madrid ka dhaliyay 21 gool 27-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay kooxda Los Blancos hadana Messi ayaa doonaya in uu ka boxo rikoodh xumada uu ku leeyahay kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*