Lionel Messi Oo Hogaaminaya 4 Xiddig Oo Halis Ugu Jira In Ay Barcelona Ka Maqnaadaan Kulanka Valencia.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona waayi karto 4 xiddig oo muhiim ah kulanka Valencia ee todobaadka dambe ee horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa haatan ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga iyaga oo hogaanka u qaban doona horyaalka hadii ay ka badiyaan kooxda Granada Khamiista kulan baaqi u ah kooxda Ronald Koeman.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ganaax ku waayi karto 4 xiddig oo muhiim ah hadii ay kaadh digniin ah qaataan kulanka Granada ee horyaalka La Liga ee Khamiista.

Xiddigaha Lionel Messi, Antoine Griezmann, Frenkie de Jong Iyo Óscar Mingueza ayaa dhamaantood loo taagay 4 kaadh oo Digniin ah horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Hadii ay 4-taas xiddig kaadh digniin ah qaataan kulanka Granada waxa ay seegi doonaan kulanka ay la ciyaari doonto Barcelona koxoda Valencia Todobaadka dambe ee horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*