Lionel Messi Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kadib Markii Uu Josep Bartomeu Is Casilay.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi aya lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Argentine ayuu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga dambe waxana uu markii hore diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo doonayay in uu isaga tago kooxda.

Laakiin wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu xiddiga Lionel Messi haatan ogolaan doono in uu heshiis cusub u saxixo kooxda kadib markii uu Jose Bartomeu iska casilay madaxtinimada kooxda.

Madaxweynaha Bartomeu oo dhawaan ay isku dheceen Lionel Messi ayaa iska casilay jagada Madaxtinimo ee kooxda Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*