
Xiddiga kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu kooxda Barcelona u saxiixo heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2023 ah.
Xiddiga 33 jirka ayaa ku fashilmay in uu kooxdiisa ku qasbo in ay iska iibiso xagaagii xilli uu heshiiskiisa haatan dhici doona xagaaga.
Arintaas ayaa keentay in lala xidhiidhiyo kooxaha Man City, PSG iyo Inter Milan kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga 6-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or.
Laakiin wargayska El Larguero ayaa sheegaya in uu Lionel Messi diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda Barcelona ilaa xagagaa 2023 ka hor inta uuna ku biirin kooxda Inter Miami.
Warkan ayaa ah mid ka farxinaya taageerayaasha kooxda Barcelona kuwaas oo doonayay in uu xiddigu sii joogo kooxda.
Be the first to comment