Lionel Messi Oo Dheeraystay Rikoodhkiisa Laadka Xorta Ah, Imisa Ayuu Dhaliyay?

Lionel Messi ayaa dhaliyay laadkiisii xorta ahaa ee 50-aad ee xirfadiisa ciyaareed intii uu joogay kooxda Barcelona guushii ay kooxdiisu 3/2 ka gaadhay kooxda Valencia Axadii.

Goolkaas laadka xorta ahaa ayaa ahaa laadkii xorta ahaa ee 3-aad xilli ciyaareedkan kadib markii uu ka dhaliyay kooxaga Granada iyo Athletic Bilbao.

Sidoo kale laadkaas xorta ahaa ayaa ahaa midkii 50-aad ee uu u dhaliyo kooxda Barcelona tan ilaa markii uu kulankii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda Barcelona.

Xiddiga 32 jirka ah ee reer Argentine aya sii dheeraystay rikoodhka laadka xorta ah isaga oo ah xiddiga ugu badan ee ka dhaliya horyaalka La Liga taariikhdiida.

Lionel Messi ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah oo ku sii haysay tartanka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan kadib markii uu 3-da dhibcood u shaqeeyay kooxdiisa.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*