Lionel Messi Oo Caawinaya Kooxda Ay Cadawga Yihiin Kooxdiisii Hore Ee Barcelona Ee Real Madrid, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Real Madrid ayaa kaliya sugasa in ay kooxda PSG u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Lionel Messi si ay dhankooda ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.

Messi ayaa isaga tagi doona kooxda Barcelona kadib 21 sano oo uu joogay kooxda sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo oo ay wajahayso kooxdu kooxda PSG ayaana ugu cad-cad saxiixiisa.

Xaqiiqada ayaa ah in ay PSG haatanba Messi u soo bandhigtay heshiis 2 sano ah waliba doonayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa 48 saac ee soo socda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid haatan isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Mbappe si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Mbappe ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG Waxana ay kooxda PSG ku qasbantahay in ay iska iibiso xiddiga halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*