Lionel Messi Oo Caawin Dhanka Suuqa Ah U Fidin Kara Man United, Xiddig Ayuu Old Trafford U Soo Diri Karaa

Xiddiga reer Argentine Lionel Messi ayaa siiyay Manchester United dhiirigelin xoog leh, marka loo eego dadaalka uu ugu jiro in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Manchester United ayaa muujisay rabitaankeeda ah inay la soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee reer France xagaagan, si ay u xoojiso kooxda, gaar ahaan marka la fiiriyo mustaqbalka Paul Pogba.

Laakiin Camavinga ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda PSG isaga oo sidoo kale bartilmaameed u ahaa kooxda reer France inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Sun ayaa sheegaya in rabitaanka Camavinga ee ah in uu ku biiro kooxda PSG in ay halis ku jirto sabab la xidhiidha Lionel Messi.

Isla wargayska ayaa sheegaya in imaatinka Lionel Messi ee kooxda PSG in uu fashilin doono rabitaanka xiddiga Camavinga ee ku biirista kooxda PSG inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sidaas darteed hadii uu xiddiga Camavinga waayo fursad uu ugu biiri karo kooxda PSG waxa uu albaabka u furi doonaa in uu u soo dhaqaaqo kooxda Man United inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*