Lionel Messi Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Dhigay 6 Sano Ka Hor.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen kooxda Granada Sabtidii kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa Granada 4/0 kaga badisay xilli uu Lionel Messi laba gool dhaliyay goolashii ay kooxdiisu ka dhalisay kulanka.

Lionel Messi ayaa si fiican ku bilowday sanadka 2021 isaga oo dhaliyay 4 gool 3-dii kulan ee uu ciyaaray tan ilaa markii uu bilowday sanadku.

Kadib goolashaas Lionel Messi ayaa markii 2-aad ee taariikhdiisa si fiican ku bilowday bilowga sanadka cusub tan ilaa markii loo soo dalacay kooxda 1-aad.

Lionel Messi ayaa dhalyay 4 gool 3-dii kulan ee uu ilaa haatan ciyaaray waana markii 2-aad ee uu si fiican ku bilowdo sanadka kadib sanadkii 20016 oo uu dhaliyay 5 gool 3-dii kulan ee ugu horeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*