Lionel Messi Oo Barcelona Ku Qasbaya In Ay Iska Iibiso 11 Xiddig, Sabab.

Barcelona ayaa ku dhow inay heshiis cusub la gaarto weeraryahankeeda Lionel Messi laakiin waxa ay kooxdu ku qasbanaan doontaa in ay iska iibiso xiddigo badan si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga Messi.

Messi ayaa khamiistii u dabaal dagay dhalashadiisii 34-aad waxana uu heshiiskiisa Haatan ee Barcelona dhici doonaa todobaadka dambe laakiin kooxda ayaa ku kalsoon in ay heshiis cusub ka saxiixan doonto xiddiga.

Si ay kooxdu heshiis cusub uga saxiixato xiddiga waxa ay u baahantahay lacag aad u badan oo dhanka mushaharka ah taas oo la macno ah in ay xiddigo iska iibiso.

Kadib markii ay haatanba la soo saxiixatay 4 xiddig oo cusub kana mid yihiin Memphis Depay, Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal.

Kooxda Barcelona ayaa haatan ku qasban in ay iska iibiso xiddigo si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddigeeda Lionel Messi.

Sidaas darteed kooxda Barcelona ayaa suuqa dhigtay xiddigaha Ousmane Dembele, Antoine Griezmann, Philippe Coutinho, Samuel Umtiti, Sergi Roberto, Miralem Pjanic, Marc-Andre Ter Stegen iyo Ilaix Moriba, Martin Braithwaite, Junior Firpo Iyo Francisco Trincao si ay messi ugu hesho mushahar ku filan oo uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*