Lionel Messi Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man City & PSG.

Shabakada Goal.com ayaa shaacisa in uuan xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi la hadlin ama uuna wax wadahadalo ah la qaadan kooxaha PSG iyo Man City walina uuna go’aansan mustaqbalkiisa.

Lionel Messi ayaa beeniyay wararka la xidhiidhinaya kooxaha Man City iyo PSG xilli si weyn loo hadal hayo mustaqbalka xiddiga maalmihii ugu dambeeyay.

Laakiin Messi ayaa sugi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si uu u go’aamiyo mustaqbalkiisa hadii uu sii joogi doono kooxda Barcelona iyo hadii kale sida ay sheegtay shabakada Goal.

Heshiiska Messi ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga waxana lala xidhiidhinaya kooxo badan oo ay ka mid yihiin Kooxaha PSG iyo Man City.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*