Lionel Messi Oo Afka Furtay Kana Hadlay Ku Guulaysiga Copa America 2021.

Shalay waxay ahayd habeen taariikhi ah isla markaana taariikh ku leh nolosha Lionel Messi, ka dib markii halyeeyga Barcelona uu ugu dambeyn ku guuleystay tartanka Copa America oo uu kula guulaystay xulka qarankiisa.

Argentina ayaa ku guulaystay koobka Copa America kadib markii ay garaaceen xulka Brazil iyaga oo koobka ku qaaday garoonka taariikhiga ah ee Maracana.

Messi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan xiddigaha xulka u sheegay in ay yihiin mustaqbalka xulka Argentina waliba ay arintaas muujiyeen maanta”.

“Farxada aan dareemayo haatan ma soo bandhigi karo, ku guulaysiga koobka Copa America iyo waliba in aan ka qaadnay xulka Brazil oo jooga garoonkooda waa mid cajiib ah”.

“Waxa aan marar badan ku dhawaanay in aan ku guulaysano koobka laakiin maanu helin, sidaas dareed waxa aan guushan la wadaagayaa dhamaan xiddigihii hore ee xulka aan iska soo garab ciyaarnay laakiin aan nasiibka u yeelan in ay ku guulaystaan koobka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*