Lionel Messi Oo 8 Sano Ka Hor Ku Dhawaaday In Uu Ku Biiro Chelsea.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u fuulay inuu dhameystiro heshiis 227 milyan ginni ah oo uu ugu dhaqaaqay Chelsea 2014 ka dib markii Jose Mourinho uu ku qanciyay inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Messi, oo hadda 33 jir ah, ayaa mushahar ahaan chelsea uga qaadan lahaa lacag dhan 50 milyan oo euro waxana ku qanciyay in uu ku biiro Mourinho oo muuqaal kula hadlay xiddiga.

Xilli uu dhexda uga jiray muran dhanka cashuurta ah Lionel Messi ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda Bbarcelona sanadkii 2013.

Xiddigii hore ee Chelsea ee Di Marzio ayaana sheegay in uu Messi aad ugu dhawaaday in uu ku biiro Chelsea.

Messi ayaa xitaa doonayay in uu ku biiro Chelsea sabab la xidhiidha jacayl uu u qabay Jose Mourinho.

Laakiin Aabaha dhalay Lionel Messi ayaa su’aal ka keenay in uu heshiisku faa’iido u yahay wiilkiisa.

Taas ayaa keentay in uu uu aabaha Lionel Messi diido in uu wiilkiisu ku biiro kooxda chelsea heshiiskuna sidaas ku bur-buray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*