Lionel Messi Mise Cristiano Ronaldo? Virgil Van Dijk Oo Doortay Midkooda Fiican

Virgil van Dijk ayaa ka jawaabay su’aasha ah yaa fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo?

Labada xiddig ayaa si weyn loo hadal hayay suuqii xagaaga kadib markii ay ka tageen kooxihii ay joogeen kuna biireen kooxo cusub.

Ronaldo ayaa ku laabtay Man United kadib markii uu ka tagay Juventus iyada oo uu xiddiga 36 jirka ah ku laabtay kooxdiisii hore.

Dhanka kale Lionel Messi ayaa soo afjaray in ka badan 20 sano oo uu joogay kooxda Barcelona isaga oo ku biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskiisa.

Labada xiddig ee Ronaldo iyo Messi ayaa ku guulaystay 11 Ballon d’Or dhexdooda waxana mar walba lagu murmaa midka fiican labada xiddig.

Dad badan ayaa isku raacsan in ay labada xiddig ka fiicanyihiin dhamaan xiddigaha haatan kubada cagta ciyaara laakiin waxa lagu murmaa midka ka fiican midka kale.

Van Dijk ayaana si fiican u garanaya labada xiddig marka la eego in uu ka hor tagay lana ciyaaray kulamo badan hadii ay tahay xulka qarankiia ama kooxda Liverpool.

Markii la waydiiyay midka ugu fiican labada xiddig Van Dijk ayaa yidhi”Waxa aan odhan lahaa Lionel Messi, wali waa xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Ronaldo waxa uu qabanaa Numbero aan la rumaysan karin 10-kii sano ee ugu dambeeyay waxana uu qabtay wax aan la iska indha tiri karin”.

“Laakiin anigu waxa aan dooranayaa Messi, sababta oo ah waa xiddigii ugu adkaa ee aan ka hor tagay sanadkii 2019 markii uu Barcelona joogay”.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*