Lionel Messi Mise Cristiano Ronaldo? Mason Greenwood Oo Ku Biiray Muranka Xiddiga Ugu Fiican Adduunka.

Xiddiga Manchester United Mason Greenwood ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu Lionel Messi uga fiican yahay Cristiano Ronaldo.

Labada xiddig ayaa loo arkaa in ay yihiin labada xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagta cagta iyaga oo ku guulaystay 11 ka mid ah 13-kii  Ballon d’Or  sidoo kale 9 champions League dhexdooda ku guulaysay.

Messi ayaa sidoo kale ku guulaystay 11 La Liga 17 sano oo uu joogay isaga oo dhaliyay 672 gool 778 kulan oo uu ciyaaray isaga oo ugu damayn xulkiisa Argentine kula guulaystay koob isaga oo ku hogaamiyay Copa America 2021.

Dhanka kale Ronaldo ayaa ku guulaystay koobab intii uu u ciyaarayay Man United, Real Madrid iyo Juventus oo uu haatan joogo isaga oo dhaliyay 674 gool 896 kulan oo uu ciyaaray isaga oo sidoo kale xulka Portugal kula guulaystay Euro 2016 sidoo kale jabiyay rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulalka.

Midka fiican labada xiddig ayaa ah muranka haatan ka socda kubada cagta Greenwood ayaana ku biiray doodaas isaga oo Lionel Messi u doortay xiddiga ugu fiican adduunka.

Xilli uu su’aalo ka jawaabayay Greeenwood ayaa yidhi”Aniga ahaan waa in aan mar walba doorto Messi sababta oo ah waxa uu ka yimid adduun kale”.

“Ronaldo sida iska cad waa xiddig cajiib ah oo xirfadle aad u fiican laakiin Waxa uu Messi qabto marka loo eego seeskiisa jidh ahaan, iyo waxa uu kula guulaystay Barcelona iyo Xulka qaraniis Argentine waa heer kale”.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*