Lionel Messi Mise Cristiano Ronaldo? Gary Lineker Oo Doortay Midkooda Fiican.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatana ah Daadihiyaa barnaamijka Mach Of The Day ee Gary Lineker ayaa mar kale ka dhiibtay fikirkiisa is bar-bar dhiga xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Gary Lineker ayaan ka xishoon in uu doorto xiddiga uu u arko midka ugu fiican waxana uu mar walba taageeraa xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

“Waxa aan mararka qaar doortaa Messi in ka badan Cristiano”ayuu yidhi.

“Waan jecelahay sidoo kale Ronaldo, waanan Ixtiraamaa, waa xiddig fiican isaguba laakiin fikir ahaantayda ma jiro is bar-bar dhig labada xiddig ab sababta oo ah ma jiro qof samayn kara uu Le sameeyo”ayuu sii raaciyay.

“Aniga oo sidaas sheegay hadana waxa i dhaawacaysa in aan is bar-bar dhigo sababta oo ah labadooduba waa xiddigo fiican”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*