Lionel Messi Ayaa Ku Guulaystay, Laakiin Guardiola Kuma Guulaysan.

Tababarihii hore ee kooxda Bayern Munich ayaa Felix Magath ayaa sheegay qaab ciyaareedka Pep Guardiola “Tiki-Taka” ee lagu caajisayo sabab u tahay in uu ku guulaysan waayo champions League tan ilaa markii uu Barcelona ka tagay.

Guardiola ayaan wax champions League ah ku guulaysan tan ilaa 2011 kadib markii uu 2 jeer kula guulaystay Barcelona.

Felix Magath ayaa sheegay in uu Lionel Messi sabab u ahaa ku guulaysigii uu Guardiola Barcelona kula guulaystay champions league waliba uu Guardiola ku dhibaatootay in uu champions League ku guulaysto maadama uuna haysan xididga Barcelona ee Messi.

Guardiola ayaa soo tababaray kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona laakiin waxa uu ku fashilmay in uu labadaas koox kula guulaysto inkasta oo uu 5 horyaal iyo 8 koob oo kale ula guulaystay 2 koxoood.

Felix Magath oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Messi ayaa ku guulaystay champions League laakiin Guardiola kuma guulaysan”.

“Messi la’aantiis Guardiola wuu ku fashilmay qaab ciyaareedkiisa hadii kale wakhti hore ayuu Man City iyo Bayern Munich kula guulaysan lahaa champions League”.

“Tiki-Taka waxa ay kaliya ku shaqaysaa xiddigo ka fiican kuwa kale laakiin haatan waa mid lagu caajisayo Tiki-Takada Guardiola”.

Sii Akhriso: Banaanbaxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Burco Kadib Kufsi & Dil Loo Gaystay Hooyo 3 Caruur ah Dhashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*