Lingard, Edouard, Haaland, Sancho, Boateng, Ronaldo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxaha PSG, Real Madrid iyo Inter Milan ayaa dhamaantood ku soo biiray baacsiga loogu jiro xiddiga khadka dehxe ee kooxda Man United amaahdana uga maqan Red Devils ee Jesse Lingard kaas oo wacdaro dhigaya (ESPN).

Kooxda Arsenal ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Celtic ee Odsonne Edouard laakiin waxa ay tartan adag kala kulmaysaa kooxda Leicester City (Telegraph).

Kooxda Man United ayaa diidan in ay gasho dagaal lacageedka xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland (Athletic).

Kooxda Man United ayaa dhanka kale isku dayi doonta in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho suuqa xagaaga (Manchester Evening News).

Wakiilka Erling Haaland ee Mino Raiola ayaa sheegay in ay Borussia Dortmund u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn suuqa xagaaga (Star).

Kooxda Man United ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxaha Real Madrid iyo PSG (Gazzetta).

Kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay si xor ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng (Sky Germany).

Rajada chelsea ee saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa kor u kacday kadib markii ay bur-bureen wadahaladii heshiiska cusub ee u dhexeeyay xiddiga iyo kooxda Ac Milan (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez  kaas oo ay qaab xor ah ku doonayso xagaaga (Marca).

Kooxda Juventus ayaa dhankeeda doonaysa in ay xagaaga 2022 si xor ah kula soo saxiixato xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele (Mundo Deportivo).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa la sheegayaa in uu haatanba sii macasalaameeyay tababare Jurgen Klopp xilli ay kooxo badan isku baacsanayaan saxiixiisa (Express).

Kooxda Man United ayaa lacagta ay ka hesho u soo bixista champions league u adeegsan doonta sidii ay ula saxiixan lahay xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo (Mirror).

Man United ayaa sidoo kale diyaar u ah in ay Paul Pogba ku darto heshiiska ay ku doonayso Cristiano Ronaldo si ay Juventus ugu qanciso in ay ka iibiso (Mirror).

Kooxda cheslea ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Sergio Aguero marka uu dhoco heshiiskisia Man City (Star).

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*