Liiska xiddigaha Man United ee Kulanka Aston Villa Oo La Soo Saaray.

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Aston Villa kulan ka tirsan horyaalka premierLeague.

Kooxda Man United ayaa u baahan guul ay ugu sii wado dagaalka ay ugu jirto u soo bixista tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Solksjaer ayaa soo xushay dhamaan liiska xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa oo ay hogaaminayaan xiddigaha Pogba iyo Fernandes kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Kooxda Man United ayaa saacado yar ka hor laga qaaday hudheelkii ay xalay joogeen iyaga oo ku wajahan garoonka Aston Villa ee Villa Park ka hor kulankooda caawa.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha United ee kulanka Aston Villa:

Lee Grant, David De Gea, Sergio Romero; Aaron Wan-Bissaka, Harry Maguire, Victor Lindelof, Brandon Williams, Luke Shaw, Nemanja Matic, Andreas Pereira, Daniel James, Scott McTominay, Fred, Juan Mata, Paul Pogba; Marcus Rashford, Anthony Martial, Odion Ighalo.

Sii Akhriso: Dalka Imaaraadka Oo Si Rasmi Ah U Aqoonsaday Baasaboorka Somaliland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*