Liiska Kooxaha & Xulalka Uu Lionel Messi Ka Dhaliyay 700 Ee Xirfadiisa Ciyaareed Uu Dhaliyay.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 700-aad ee xirfadiisa ciyaareed kulankii Atletico Madrid ay kooxdiisu bar-baraha 2/2 ah la gashay.

Xiddiga reer Argentine ayaa kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta mar kale kadib markii rikoodhe loo dhigay ciyaarta oo 1/1 ah isaga oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii 700-aad.

Lionel Messi ayaa 630 gool u dhaliyay kooxdiisa Barcelona halka uu 70 u dhaliyay xulka qarankiisa Argentine tan ilaa markii uu bilaabay ciyaarista kubada cagta kooxda 1-aad.

Lionel Messi ayaa gool ka dhaliyay ama shabaqooda soo taabtay 108 kooxood oo ah kooxo ama xulalka qaramada adduunka tartamada oo dhan tan ilaa markii uu u ciyaaray kooxda 1-aad ama xulka qarankiisa Argentine.

Kooxda Sevilla ayaa ah kooxda uu goolasha ugu badna ka dhaliyay isaga oo ka dhaliyay 37 gool waxana ku xigta kooxda Atletico Madrid oo uu ka dhaliyay 32 gool halka ay ku xigaan kooxaha Valencia iyo Real Madrid oo uu ka dhaliyay 28 iyo 26 gool.

Advertisements

Dhanka xulalka Brazil Iyo Uruguay ayaa ah xulalka uu goolasha ugu badan ka dhaliyay isaga oo ka dhaliyay min 5 gool.

Waxa intaas dheer in uu xiddiga reer Argentine caawiye ka noqday 320 gool xirfadiisa ciyaareed tartamada oo dhan kooxda iyo xulka qarankiisa.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*