
Kooxaha ka qayb galay champions League xlli ciyaareedka dambe ee 2020/2021 ayaa sii xaqiiqsanaya booskooda tartanka ee xilli ciyaareedka dambe.
Waxa si Rasmi ah loo wada dhamaystiray horyaalada waaweyn ee yurub 24 kooxood ayaana si Rasmi ah u xaqiiqsaday boosaskooda tooska ah ee wareega Group-yada champions League.
Boosaska hadhay ayay gali doonaan kooxaha ku guulaysta tartamada champions League iyo Europa League xilli ciyaareedkan.
Kooxaha ka socda dalalka Spain, England, Italy iyo Germany ayaa liiska xiddigaha u soo baxay tartanka xilli ciyaareedka dambe ku leh min 14 iyaga oo 16 kooxood ku leh 32 koox ee ka qayb qaata tartanka.
4 horyaal oo ka mid ah yurub ayay si toos ah uga soo bixi doonaan min hal koox kuwaas oo kala ah Portugal, Belgium, Ukraine & Turkey.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 24-ka Koox ee haatanba u soo baxay tartanka champions league wareega Group-yada xilli ciyaareedka dambe.
Dalka | Tirada | Kooxaha |
Spain | 4 | Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Sevilla |
England | 4 | Liverpool, Manchester City, Manchester United, Chelsea |
Italy | 4 | Juventus, Atalanta, Lazio, Inter |
Germany | 4 | Bayern Munich, Borussia Dortmund, RB Leipzig, Borussia Monchengladbach |
France | 2 | Paris Saint-Germain, Marseille |
Russia | 2 | Zenit, Lokomotiv Moscow |
Portugal | 1 | Porto |
Belguim | 1 | Club Brugge |
Ukraine | 1 | Shakhtar Donetsk |
Turkey | 1 | Istanbul Basaksehir |
Be the first to comment