Vinicius Junior ayaa ka helay codadka kaalinta koowaad ee dalal dhowr ah abaalmarintii Ballon d’Or 2024.
Liiska waxaa ku jira Algeria, Saudi Arabia, Armenia, Bahrain, Belgium, Benin, Bolivia, Brazil, Burkina Faso, Cameroon, Cape Verde, Colombia, Egypt, United Arab Emirates, Spain, France, Greece, Guinea, Equatorial Guinea, Haiti, Jamaica , Japan, Jordan, Mexico, Panama, Paraguay, Wales, Qatar, DR Congo, Russia, Senegal, Switzerland, iyo Turkiga.
Inkastoo taageero xoogan la siiyay, Vinicius xiddiga ayaa abaalmarinta u lumiyay xiddiga Rodri oo 41 dhibcood kaga qaaday abaalmarinta.
sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay L’Equipe. Vinicius wuxuu dhaliyay 1,129 dhibcood, halka Rodri uu ku dhameystay 1,170.
Saddex wariye ayaan Vinicius U dooran 10-ka xiddig ee ugu sareeya abaalmarinta taas oo laga yaabo in ay farqi samaysay.
Be the first to comment