Liam Rosenior Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Sababta U Ahaa Bar-Barihii Ay Chelsea La Gashay Leeds United.

Tababaraha Chelsea, Liam Rosenior, ayaa ku tilmaamay rigooradii uu bixiyay Moises Caicedo kulankii ay 2–2 la galeen Leeds United habeenkii Salaasadii inay ahayd “go’aan liita”.

Blues ayaa u muuqday inay sii wadi doonaan guulahooda joogtada ah ee Premier League tan iyo markii Rosenior uu yimid, kaddib goolal ay kala dhaliyeen João Pedro iyo Cole Palmer.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda martida ahayd ayaa barbaraha ku soo laabatay lix daqiiqo gudahood qeybtii labaad.

Caicedo ayaa qalad ku galay Jayden Bogle gudaha xerada ganaaxa, waxaana Lukas Nmecha uu rigoore ku soo celiyay hal gool, ka hor inta uusan Noah Okafor ka faa’iideysan kubbad bannaan oo uu ku dhaliyay shabaq madhan.

Rosenior ayaa warfidiyeenka u sheegay:
“Moi (Caicedo) waa ciyaaryahan cajiib ah, wuxuuna heer sare ahaa tan iyo markii aan imid, laakiin halkaas waxaan sameynay go’aan liita. Waxaan bixinnay rigoore.

“Rigooreyda way dhalatay, kadibna waxay soo tuureen kubbado dhaadheer, waxayna heleen kubbado soo noqnoqday (second balls). Wiilka ayaa kubbadda gacanta ku taabtay, taasina waxay saameysay ciyaartoydayda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga