Lewandowski, Ronaldo, Suarez, Christensen, Aubameyang & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa Kala iibsiga January  iyada oo kooxaha premier League suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale waxa jiri doona xiddigo badan kuwaas oo isku dayi doona in ay isaga tagaan kooxohooda si ay ugu biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararka xanta ah ee ay qoraan wargaysyada adduunka ee ku saabsan xiddigaha ay kooxuhu doonayaan.

Kooxda Bayern Munich ayaa iska iibin doonta xiddiga Robert Lewandowski xagaaga hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda iyada oo heshiiska xiddiga 33 jirka ah dhici doono xagaaga 2023 (Bild).

Wakiilada Cristiano Ronaldo ayaa Maamulka Man United u sheegay in uu xiddiga 36 jirka ah isaga tagi doono kooxda hadii ay kooxdu ku fashilanto u soo bixista champions league xilli ciyaareedka dambe (Sun).

Koxda Atletico Madrid ayaa diiday in uu xiddiga Luis Suarez ku biiro kooxda Aston Villa suuqa xagaagan (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta xiddiga daafaca uga ciyaara Chelsea ee Andreas Christensen kaas oo ay doonayso in ay qaab xor ah kula saxiixato xagaaga (Sport).

Kooxda Arsenal ayaa kor u qaaday dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Arthur Melo iyada oo Gunners doonayso in ay qaab amaah ah ku hesho inta ka dhiman xilli ciyaareedkan (Goal).

Kooxda Bayern Munich ayaa qarka u saaran in ay Man United ku garaacdo xiddiga khadk dhexe ee Denis Zakaria (Christian Falk).

Kooxda PSG ayaa ku kalsoon in Zinedine Zidane uu noqon doono tababarohooda cusub xilli ciyaareedka dambe (Marca).

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa in ay xiddiga ugu mushaharka badan ka dhigto xiddiga Dusan Vlahovic si ay ugu xoojiso weerarka inta lagu jiro suuqa January (90min).

Kooxda Arsenal ayaa diiday dalab amaah ah oo ay ka heshay kooxda Sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Nassr kaas oo ay ku doonayeen saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang (Mail).

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa ah midka uu xiddiga Ousmane Dembele ku biiri doono kadib markii la xaqqijiyay in uu isaga tagi doono kooxda (Marca).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa iska diiday dalab ay Man City ka gudbisay saxiixiisa (El Nacional).