Weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa sheegay inuusan mar dambe qaadi doonin rigoorooyinka kooxda sabab la xiriirta kalsooni yari iyo in uusan helin joogto ciyaareed.
Weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaa sheegay in kalsooni darradiisa ay ka timid doorkiisa oo yaraaday xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed, Lamine Yamal iyo Raphinha ayaa hadda noqday kuwa qaada rigoorooyinka kooxda uu tababaro Hansi Flick.
Lewandowski guud ahaan xirfaddiisa wuxuu ahaa mid aad ugu fiican rigoorooyinka, isagoo dhaliyay 89 ka mid ah 101 uu qaaday (88% guul ah). Si kastaba, xilli ciyaareedkan wuxuu seegay labo rigooro oo uu ka hor qaaday Sevilla iyo Atletico Madrid.
Inkasta oo arrintaas jirto, ciyaaryahanka reer Poland ayaa weli muhiim u ah kooxda, isagoo dhaliyay 16 gool isla markaana bixiyay 3 caawin 37 kulan oo uu saftay dhammaan tartamada. Si kastaba, wuxuu ciyaaray kaliya 1950 daqiiqo, wuxuuna bilaabay shan kulan oo LaLiga ah tan iyo bishii December.
Markii wax laga weydiiyay sababta uu u joojiyay qaadista rigoorooyinka, Lewandowski wuxuu yiri:
“Marka ciyaaryahan mar ciyaaro marna uusan ciyaarin, kalsooni yari ayaa ka dhalata xilliyada muhiimka ah sababtoo ah ma dareemaysid garoonka si fiican… mararka qaar waxaa yimaada shaki yar.
Go’aamadan waxaan ku qaadanaa gudaha garoonka. Waxaan leenahay ciyaartoy si fiican u qaada rigoorooyinka. Mar walba waan diyaar ahay, laakiin haddii aadan waqti badan ciyaarin, ma lahaanaysid isla dareenkii iyo joogteyntii.
Xaaladahaas, waxaa fiican in la doorto waxa ugu fiican kooxda. Ciyaaryahanka dareemaya kalsooni badan ayaa qaadaya rigoorada.
Tani ma ahayn sababta rigoorooyin la seegay, balse waxay la xiriirtay xaaladdayda iyo waqtiga aan garoonka ku qaatay.”
Lewandowski sidoo kale wuxuu seegay shan kulan xilli ciyaareedkan—afar dhaawac muruq ah darteed iyo hal dhaawac oo dhabanka ah.
Be the first to comment