
Lewandowski ayaa hoosta ka xariiqay in xamaasad weyn uu u qabo in uu ciyaaro kulankiisa ugu horeeya ee Barca ka dib markii maanta saxaafadda loo soo bandhigay
” Waan ku faraxsanahay halkaan , waxaan dooneynaa in aan garoonkaan Camp Nou goolal badan kulan waliba ku dhaliyo”.
Waxa uu ku dheeraaday kooxda Barca la xifaaltanta ee Real Madrid waxa uuna Lewandowski yiri “diyaar ayaan u ahay in aan Real ka hor tago , xilli ciyaareedki hore waa ay wacnaayeen balse ha ogaadaan waxaan dooneynaa in xilli ciyaareedkan horyaalka iyo Campion-ka ku guuleysanno”.
” Diyaar ayaan u nahay El Clasico , kama fikarayo Benzema , sanado badan ayuu horyaalkaan joogay muhiimada waxa ay tahay u ciyaaridda Barcelona” ayuu yiri Lewandowski
“Waxaan rabaa in aan ka soo baxo kalsoonida taageerayaasha , heer ciyaareed wacan ayaan ku jiraa waxaan doonayaa in aan kooxdeya uga faa`ideyo”.
Be the first to comment