Lewandowski Oo Bar-bareeyay Rikoodh Uu Halyeey Kooxda Ah Dhigay.

BARCELONA, SPAIN - NOVEMBER 12: Robert Lewandowski of FC Barcelona celebrates after scoring the team's second goal during the LaLiga EA Sports match between FC Barcelona and Deportivo Alaves at Estadi Olimpic Lluis Companys on November 12, 2023 in Barcelona, Spain. (Photo by Eric Alonso/Getty Images)

Weeraryahanka Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa Sabtidii bar-bareeyay  rikoodhkii weeraryahankii hore ee kooxda Hristo Stoichkov, kadib markii uu gool ka dhaliyay guushii 2-1 ay ka gaareen Atletico Madrid.

Waxaa xusid mudam in goolal ay kala dhaliyeen Lewandowski iyo Marcus Rashford ay Barcelona siiyeen guusha kulanka horyaalka La Liga.

Goolka uu Lewandowski ka dhaliyay kooxda uu hoggaamiyo Diego Simeone ayaa ka dhigay inuu noqdo ciyaaryahanka 14-aad ee ugu goolasha badan taariikhda Barcelona, isagoo gaaray 117 gool.

Sida ay sheegtay Barca Universal, xiddiga reer Poland ayaa hadda la simay Stoichkov oo isna dhaliyay 117 gool intii uu joogay kooxda Catalan-ka.

Stoichkov wuxuu tiradan ku gaaray 255 kulan, halka Lewandowski uu ku gaaray 185 kulan.

Dhanka kale, tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa ka hadlay Lewandowski kadib ciyaarta, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund iyo Bayern Munich.

“Waxaan haysanaa siddeed kulan oo noo harsan xilli ciyaareedkan, waxaana oran karaa aad ayaan ugu faraxsanahay Lewandowski iyo dhammaan ciyaartoydayda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga