Lewandowsk Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Gool Dhalinta La Liga

Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowsk ayaa sii dheeraystay gool dhalinta horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay 13 gool 12 kulan oo uu ciyaaray ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Robert Lewandowski ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo sii wada wacdarihii uu dhigayay xilli ciyaareedkan.

Robert Lewandowski ayaa 5 gool ka horeeya xiddiga ugu dhaw ee gool dhalinta La Liga kaas oo leh 8 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Ugu yaraan 4 xiddig ayaa isku goolal ah kuwaas oo leh min 7 xiddig kadib markii ay ciyaareen ilaa haatan xilli ciyaareedka La Liga.

Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo Liiska xiddigaha uu goolasha badan La Liga:

  1. Robert Lewandowski (Barcelona) 13 Gool
  2. Borja Iglesias (Real Betis) 8
  3. Joselu   (Espanyol) 7
  4. Iago Aspas (Celta Vigo) 7
  5. Vedat Muriqi (Mallorca) 7
  6. Vinicius Jr (Real Madrid) 6
  7. Federico Valverde (Real Madrid) 6