Leonardo Bonucci: Joogitaankii Cristiano Ronaldo Ayaa Juventus Ku Yeelatay Saamayn Xun.

Daafaca Juventus Leonardo Bonucci ayaa qirtay saxiixi ay Bianconeri kula soo wareegtay Cristiano Ronaldo in ay saamayn xun ku yeelatay qaab ciyaareedka koox ahaan.

Cristiano Ronaldo ayaa Juventus ku biiray xagaagii 2018 isaga oo kaga biiray kooxda Real Madrid isla markaas noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Laakiin Cristaino Ronaldo ayaa ka tagay kooxda Juventus xagaagii la soo dhaafay isaga oo ku laabtay kooxdiisii hore ee Man United.

Leonardo Bonucci oo la hadlaya wargayska MARCA ayaa yidhi”Joojistii Cristiano Ronaldo ayaa samayn xun nagu yeelaatay”.

“Xiddigaha Juventus waxa ay aamineen in joogista Ronaldo in ay guul nagu hogaamin doonto, waxana aan bilownay in aan ka caajisno shaqadeenii joogtada ahayd”.

“Waxa aan gabi ahaan ilownay sidii aan ugu ciyaari lahayn koox ahaan sababta oo ah waxa aan kaliya doonaynay in aan kubada u dhiibno isaga si uu guulo noogu hogaamiyo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*