Leicester City Oo Go`aan Ka Gaartay Mustaqbalka Fofana Iyo Maddison, Miyaa La Iibinayaa ?

Tababaraha kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa jawaab ka bixiyay xogaha tilmaamaya in Fofana iyo James Maddison kooxda ka tagayaan xagaagaan

Laacibiintaas ayaa xiiso dhab ah ka haysta Chelsea iyo Newcastle xilli kooxda hantiilayaasha carbeed ay ka geeyeen dalab gaaraya 40 milyan oo gini oo ay ku rabaan James Maddison

Balse Rodgers ayaa carabka ku adkeeyay in xiddigahaas ayna meel kooxda uga socon inkastoo xiisahaaas uu jiro .

” Fofana iyo James Maddison iib ma aha waa xiddigo muhiim inoo ah” ayuu ka yiri shir jaraa`id ee qabtay macalinka

” Waxaan ku jirnaa waqti aynu u baahannahay in aan ciyaartooy iska dirno balse taasi micnaheeda ma aha in aan ka taqaluseyno xiddigaheena inoogu fiican” ayuu sii raaciyay Rodgers

James Maddison xilli ciyaareedkii hore bandhig wacan ayuu muujiyay waxa uu dhaliyay 18 gool 12 kala waa uu sameeyay dhamaan tartamada uu ka qeyb galay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*