Leicester City Oo Cashar U Dhigtay Chelsea & Foxes Oo Hogaanka U Qabtay Horyaalka Premeir League.

Kooxda chelsea ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa iyada oo uu cadaadisku ku sii badanayo Tababare Frank Lampard kadib guuldaro kala kulantay kooxda Leicester City.

Qaybta hore:

Chelsea ayaa ciyaarta ku bilaatay si xun oo aad u liidatay iyaga oo u muuqday kuwo Leicester City u ogolaanaya in ay 3-da dhibcood iska helaan.

Kooxda Leicester City ayaa dhankeeda ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay chelsea ka gaadhaan guul muhiim ah.

Daqiiqadii 6-aad ayay Leicester City hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Wilfred Ndidi dhaliyay gool gantaal ah oo qurux badan.

Chelsea ayaa la filayay in ay ciyaarta ku soo laabato waliba cadaadis saarto Leicester City laakiin waxa ay u muuqdeen in ayna doonayn in ay guul gaadhaan.

Kooxda Leicester City ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda sidoo kale dhanka weerarka qaadaysay weeraro halis galiyay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 41-aad ayay Leicester City sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga James Maddison kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Qaybta Dambe:

Chelsea ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dhaanta qaybtii hore iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolal laakiin waxa ay dhaafi waayeen daafac bir ah oo ay Leicester City dhigatay goolka hortiisa.

Kooxda Leicester City ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay xitaa gool ku dhaliyeen laakiin Offside looga diiday.

Chelsea ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso ku soo laabashada ciyaarta halka ay Leicester City dhankeeda doonaysay in ay dishao ciyaarta.

Daqiiqadii 85-aad ayay chelsea dhalisay gool uu u dhaliyay Timo Werner laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leicester City garaacday Chelsea hogaankana u qabatay horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*