Hordhac: Leeds Vs Man United : Kooxda Garoonka 19 Sano ka Hor Ayaa Ugu Dambeeysay Guul Ay Ka Gaaraan Kooxda Ole Gunner.

United ayaa kulan adag la leh kooxda Leeds waxa ayna haminayaan in ay guul gaaraan xilli laga yaabo in Rashford kulankaan ku lug yeesho .

Eric Baily ayaa isna laga yaabaa in la safo ka dib markii uu ka soo kabsaday xanuunka caabuqa oo hayay .

Xogta Kulanka

* Waxa uu kulankaan noqonayaa kii ugu horeeyay ee horyaalka ee ay ku kulmayaan Ellan Road tan iyo October sanadkii 2003-dii

* Guushii ugu dambeeysay ee Leeds ee horyaalka ah kana gaaraan United waxa ay aheyd September 2002-dii waxa ayna waqtigaas ku badiyeen hal gool xilli la joogay garoonkooda

* Haddii Leeds kulankaan badiyaan waxa ay noqoneysaa markii lixaad xariira ah oo horyaalka ayna la kulmin wax guul darro ah markii ugu horeeysay tan iyo 2002-dii

* Leeds kaliya hal kulan ayay guul dareysteen lixdii kulan ee ugu dambeeysay horyaalka ee garoonkooda ah , sedex badis iyo laba bar bar dhac ah ayay wataan.

* 12 kulan horyaalka ah oo aan laga badin wa mudadii ugu dhereeyd ee United

*Macalin Ole waxa uu kulankaan u noqonayaa kiisii 300-aad ka tababare ahaan , 152 jeer waa badiyay.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*