Leeds United Oo Man United U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Kalvin Phillips

Leeds United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay 60 milyan ginni ku iibiso bartilmaameedka Manchester United Kalvin Phillips xagaaga soo aadan.

Kadib markii uu hal xilli ciyaareed ka ciyaaray premier League waliba xulka qaranka England la gaadhay Final-ka euro 2020, xiddiga 25 jirka ah ayaa haatan ka mid ah xiddgaha ugu fiican khadka dhexe.

Xiddiga ayaa xirfadiisa oo dhan ku qaatay kooxda Leeds United laakiin waxa lala xidhiidhinayaa ka tagista kooxdiisa xilli heshiiskiisa kooxdu dhici doono xagaaga 2024.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Leeds United ayaa diyaar u ah in ay Man United ka iibiso xiddiga Phillips laakiin waa hadii ay Man United bixido lacag dhan 60 milyan oo euro.

Leeds United ayaa haatan doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Phillips ka hor inta ayna go’aan kama dambays ah ka gaadhin mustaqbalka xiddiga.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*