Leeds Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Ay Barcelona Saxiixa Raphinha Ugu Garaacday Chelsea.

Milkiilaha Leeds Andrea Radrizzani ayaa daaha ka qaaday in uu chelsea kala heshiiyay saxiixa Raphinha ka hor inta ayna Barcelona xiddiga ku qancin in uu iyaga sugo.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa xagaagan iyada oo uu xiddigu ugu dambayn ku biiray kooxda Barcelona.

Chelsea ayaa ku dhawayd saxiixa xiddiga Raphinha kadib markii ay Leeds United kala heshiisay qiimaha xiddiga oo dhan 55 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Laakiin Barcelona ayaa chelsea ku garaacday saxiixa xiddiga kadib markii uu xiddigu diiday in uu ku biiro kooxda chelsea isaga oo doortay ku biirista Barcelona.

“Leeds waxa ay saxiixa xiddiga kala heshiisay Chelsea, waxana aan siiyay balan-qaadkayga:ayuu Radrizzani u sheegay The Athletico.

“Waxa aan dareemay xishood in aan ka laabtay balantii aan la galay milkiilaha chelsea”.

“Waxa aan heshiis la gaadhnay chelsea sababta oo ah xiddiga ayaa doonayay in uu boxo waxana aan dhagaysanay dalabka chelsea”.

“Chelsea ayaa ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga laakiin Nasiib xumo Barcelona ayaa xiddiga ku qancisay in uu sugo iyaga ilaa inta ay xalinayaan dhibaatadooda dhaqaale”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*